Madaxweyne ku xigeeka Puntland oo Gaalkacyo Gaaray

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Axmed Karaash & Xubnaha la socda oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay Magaalada Garoowe ayaa waxaa Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Maamulka degmada Gaalkayo ee Puntland, Saraakiisha Ciidamada & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedka safarka uu Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu ku tagay Magaalada Gaalkacyo ay tahay baaritaanka weerarkii lagu qaaday Guriga Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne kuxigeenka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku wehliya Guddiga uu dhawaan u Magacaabay baaritaanka weerarka lagu qaaday Guriga uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Magaalada Gaalkacyo uga qeyb geli doona munaasabad uu xilka kula wareegayo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Mudug, kaas oo bedelaya Guddoomiyihii Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo kamid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Safarkaan uu Madaxwryne kuxigeenka Puntland ku tegay Gaalkacyo ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysatay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland & kuxigeenkiisa, kaas oo salka ku haaya arrimaha awooda Maamulka