Hay’adda Amniga iyo Sirdoonka Mareykanka ayaa a faray in aysan Soomaaliya ka fulin karin howlgal dhanka cirka iyo Dhulka ah, ayagoo aan ogolaanshiyo ka haysan Aqalka Cad ee Maraykanka Sida uu baahiyay Wargeyska The Newyorka Times .
War ka Soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu sheegay in amarkaas uu bixiyey, isla markaana u jeedka laga leeyahay uu yahay yareynta waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah ee ku nool goobaha lagu tuhmayo ama lagu beegsanayo Al-Shabaab iyo Daacish.
Talaabadan uu qaaday Maamulka Madaxweyne Biden ayaa imaaneysa Xili Maamulkii isaga ka horeeyay ee Donald Trump uu 276 duqaymo ah uu ka Fuliyay Soomaaliya Waxaana amarkaan ka soo baxay madaxweyne Joe Biden uu noqo naayaa kii ugu horeeyay uu qaaday kaas oo la xiriira duqaymaha diyaaradaha droneka ah ay ka geystaan Soomaaliya ee Maraykanka uu lee yahay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com