Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Gudiga doorashada

Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la kulmay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo.

Guddiga ayaa madaxwaynaha kala hadlay sharciga doorashooyinka Qaranka oo dhawaan ay soo ansixiyeen labada gole ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya oo haatan sugaayo saxiixa madaxwaynaha JFS.

Sidoo kale Guddiga ayaa madaxwaynaha ka codsaday in la dadajiyo ansixinta wax ka badalka sharciga xisbiyada oo Barlamaanka horyaallo, ansixintaasoo guddiga ay muhiim u arkaan si labada sharci ay iskula jaanqadaan madaama ay yihiin sharciya isa saamaynaa.