Muqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xil cusub u magacaabay Taliyihii xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin, sidoo kale Farmaajo ayaa hey’adda NISA u magacaabay Taliye kale, halka madaxtooyadana uu u magacaabay Agaasime guud.
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo aqbalay iscasaada uu soo gudbiyay taliyihii Nisa fahad yaasiin.
Waxaana warsaxaafadeedka lagu cadeeyay in fahad loo magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyaha nabad sugida si KMG ah ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ku baaqay in 18-ka bishan shir isugu yimaadaan gudiga Amniga Qaranka si warbixin la xiriirka kiiska Ikraan looga dhageysto Hay,adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.
lama oga go,aanka arintaan ka qaadan doono Ra,isul wasaare Rooble maadaama isaga hore Taliyihe Kmg ah u magacaabay Hay,adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com