Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020 ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya

Qabashada shirkaan ayaa ku soo aadaya ka dib markii beesha calamka ay ugu baaqday dawlada Federalka Soomaaliya iyo Dawlad goboleedyada in ka heshiiyaan khilaafka Siyasadeed doorashada saameeyay .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com