Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku sii jeeda Dhuusamareeb iyo Villa Soomaaliya oo ka hadashay Ajandaha shirka Dhuusamareeb

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, oo Qoraal kooban  soo dhigay Bartiisa Facebook, ayaa si rasmiya u shaaciyay in Madaxweyne Farmaajo uu Gelinka dambe ee Maanta oo Sabtiya gaari doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qoraalka ayuu sidoo kale ku sheegay, in Madaxweynuhu Dhuusamareeb uga qayb-galayo Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo halkaasi ka furmi doona, isagoo xusay in Shirkaasi looga arrinsan doono laba Qodob oo kala ah  Wada-shaqaynta Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale Arrimaha Doorashooyinka soo socda.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh.” Ayuu Qoraalkiisa ku yiri Agaasime Cabdinuur.

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo haatan Garoowe ku sugan, ayaa isla Maanta gaaraya Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay uga sii gudbayaan Magaalada Dhuusamareeb ee Shirku ka furmayo.

Magaalada Dhuusmareeb, waxaa hadda ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com