Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Somaliland.

Muqdisho:- Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Somaliland ee soo dooranaya xubnaha aqalka sare.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo shir la qaatay 8-ka mid ah 46-da ergo ee lagu xareeyay xerada Afisyooni isla markaana lagu wado in ay doortaan xubnaha aqalka sare u matali doona Somaliland.

Kulanka ayaa ahaa Mid madaxweyne farmaajo xubnahaasi ku cadaadinayay in ay doortaan xubno isaga si gaar ah u wato kana mid ah musharaxiinta aqalka sare.

Arintaan ayaa dhabar jab xoogan ku keeni karta dadaalada uu wado Ra,isul wasaare Rooble ee uu ku doonayo in xubnaha maamulka Somaliland iyaga iska soo dhex doortaan sanataro ay ku wada qanacsan yihiin.

Waxaana durba kulanka saameyntiisa laga dareemay jadwalka Doorashada xildhibaanada aqalka sare ee Somaliland taasi oo la xaqiijiyay in dib u dhac ku yimid waqtigi lagu balamay in xubnaha musharaxiinta ah qudbadahooda jeediyaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com