MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY MADAXDA MAAMULKA IYO LAAMAHA AMNIGA EE GOBOLKA BANAADIR

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir.

Kulankaan ayaa ahaa mid uu Madaxweynaha Warbixin kaga dhageesanayay Mas’uuliyiinta isla Markaana uu kaga xog-waraystay xaaladda amniga, bilicda, dhaqaalaha iyo fayo-dhowrka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda amni ee caasimadda iyo qorsheyaasha heer gobol ee ku aaddan nabadda, dib-u-dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ka digay saameynta maandooriyuhu uu ku leeyahay xasilloonida iyo horumarka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Bulshada Caasimadda, Maamulka iyo Laamaha Amniga, si looga wacyi-geliyo da’ yarta soo kacaysa khatarta maandooriyaha oo helis ku ah noloshooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com