Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta uu u ambaboxo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

 

Ujeeka socdaalka madaxweynaha ayaa ah qabsoomidda wejigii 2-aad ee shirkii dhawaan lagu soo geba gebeeyey halkaasi,kaasi oo u dhexeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyad.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtoyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartisa Twiterka kaga hadlay safarka madaxweynaha.

“Iyada oo la tixraacayo dadaallada socda ee la xiriira dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa Dawlada Federaalka Soomaaliya  iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah,

horena loogu sii dhaqaajin lahaa wada hadalladii socday, ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u safri doonaa berri magaalada Dhuusamareeb si uu u hoggaamiyo wareegga labaad ee Shirka Wadatashiga”. ayuu yiri ‘ Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com