Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonoow

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonoow oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo ahaa Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Boonoow waxa uu door weyn kasoo qaatay nabadda, dib u dhiska dowladnimad iyo midnimada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa Xildhibaan Qaran iyo Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga Qaranka”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com