Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee ciidanka Booliska

Madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Axmed Jaamac.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyska iyo qaranka Soomaaliyeedna sabar iyo iimaan haka siiyo.

 

Janaraal Axmed Jaamac ayaa kaalin ka soo qaatay Dhismaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dib u Habeyntooda isagaa talooyin iyo Fikrdo ku bixiyay qaab dhismeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com