Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Axmed Dhimbil Casoowe

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuumku uu ka soo qaatay dowladnimada, midnimada, nabadda, xasilloonida iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

โ€œInnaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan, Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Dhimbiil Rooble (Casoowe) waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, isagoo noqday Guddoomiye Ku-xigeenkii 2-aad ee Baarlamaankii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd, labaatankii sano ee u danbeysayna wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka, waxa uuna si hufan ugu soo shaqeeyey Qarankeenna.โ€

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u waydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com