Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cumar C/qaadir Baarajab

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaday ee  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda ciyaaraha iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xidiggii Kubadda koleyga Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab uu ahaa xidig Qaran oo dalkiisa u soo hooyey guulo dhanka ciyaaraha kubadda Koleyga, isaga oo door weyn ka soo qaatay horumarinta ciyaaraha dalka, waxa uuna soo saaray ciyaartooy waxtar u leh Xulka Kubadda Kolayga heer Qaran.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Cabdiqaadir Barajab waxa uu ahaa Xidig Qaran oo dadka iyo dalka Soomaaliyeed u soo saftay xilliyo kala duwan, isaga oo ka mid ahaa xidigaha Qarankeenna guulaha u keenay”

Madaxweynaha ayaa Alle u baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyska qaraabada iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com