Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay Arimo kala duwan oo La xidhiira Xaalada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, la-dagaallanka musuqa, wada shaqeynta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, doorashooyinka soo socda, Saxiixa Sharciga Batroolka, xidhiidhka Dowlad Goboleedyada, Iskaashiga Dhaqaale ee dalalka Gobolka, faragelinta Kenya ee dalka iyo mawqifka Soomaaliya ee kursiga Golaha Ammaanka ee ay Jabuuti u tartamayso.
Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Kenya Fara gelin ay ku heyso Soomaaliya islamarkaasna Jubland Arinteeda uusan waxba ka quseyn isaga oo ku Eedeeyay in Kenya marwalba dhibaato joogto ah ay ku tahay gobalada Jubooyinka iyo Gedo waxaana uu sheegay in Murunka badda ee Soomaaliya iyo Kenya Maxkamad uu horyaalo islamarkaana aysan ahayn in Kenya ay ku xadgudubto Soomaaliya
Xafiiska Wararka,muqdisho.
Info@aragticusub.com