Madaxweyne Farmaajo oo Ergo u diray Axmed Madoobe iyo Deni

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed cabdilaahi Farmaajo oo ka qayb galay shir isaga iyo mamul goboleedyada taageersan ay ku yeesheen Teendhada Afisiyooni kaas oo loogu magacdaray Golaha watashiga Qaran ayaa la sheegay in Ergo uu u diray Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland ee shirka ka maqanaa

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamulada Galmudug Koofur Galbeed , Hirshabeele iyo Banaadir ayaa ka wada hadlay Qabsoomida doorashooyinka dalka iyo sidii Amniga goobaha doorashada ka dhaceyso loo sugi lahaa hase ahate gabagabada shirka ayaa madaxweyne Faemaajo waxaa uu soo jeediyay in shirka ay ka soo qayb galayam Deni iyo Axmed madoobe si shirka halkaasi looga sii amba qaado sidaasna waxaa yiri’ Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Xilgaarsiinta Cismaan Dubbe oo shirkaasi k dib warbaahinta la hadlay.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jublad ayaa si weyn uga soo horjeeda qaabka uu Farmaajo ku doonaayo in dooarshada ay ku dhacdo.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com