Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu safar shaqo ku gaaray Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, halkaas oo uu kulan kula soo  qaatay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi ahna Madaxweynaha Midowga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii  uu joogay Dalka Kongo waxaa uu dhiggiisa Dalkaasi uu kala hadlay xaalada Soomaaliya iyo xiriirka labada dal

Madaxweynaha Dalka Kongo ayaa u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo in uu la Heshiiyo Mucaaradka lana qabto doorashooyin loo dhan yahay balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeysanaya go’aanka Muddo kororsiga uu sheegay inuu yahay go’aan baarlamaani ah

Sido kale Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu joogay dalka Kongo waxaa uu doonayay in uu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata balse kulanka labada dhinac ayaa fashilmay

Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeya Xiisad Siyaasadeed ka dib markii labada   ay isku qabteen arimaha gobolka Gedo iyo murunka dhinaca Badda .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com