MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOGAADIYEY DADAALLADA XUKUUMADDA EE AWOOD SIINTA GANACSATADA SOOMAALIYEED + Sawiro

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo waxsoosaarka dalkeenna ay kor uqaadeyso dhaqaalaha dalka, fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabkeenna.
Madaxweynaha oo warbixin ka dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ganacsiga kala dhexeeya dalkeenna dalalka dariska uu ku saleysan yahay isu dheellitirnaan iyo waxwada qabsi , iyada oo ganacsatada Soomaaliyeed ay helayaan dheef-dhaqaale oo u dhiganta tan dhiggooda badeecadaha keensada dalka.
Maamulaha Shirkadda dhoofisay Kalluunka maanta loo iib geeyey Itoobiya ee qeybta ka ah is-dhaafsiga dhaqaale ee Labada dal Mudane Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) oo kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalka mudnaanta ay siinayaan xal u helista caqabadaha ku xeeran ganacsatada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso suuq-geynta heer gobol iyo jaangooynta fursadaha.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in fursadaha iskaashiga ganacsi ee dalalka dariska ah ay barbar socdaan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isu dheellitirka ganacsiga aan la wadaagno dalalka dariska ah iyo xoojinta wax-soosaarka, taas oo suurta gelinaysa in dalagyada iyo wax-soosaarka dalka ay ka muuqdaan suuqyada dalalka Gobolka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluumaysatada Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii aynu kula tartami lahayn dalalka gobolka waxsoosaarka gudaha dalkeenna.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com