Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay Saxiixa Heshiiskii laga gaaray shirkii Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed heshiiska dhammeystirka wadahadalladii ku saabsanaa hirgelinta doorashada oo ku salaysan heshiiskii 17-ka Sabteembar 2020 iyo is afgaradkii magaalada Baydhabo ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka.
Munaasabadda dhaqan-gelinta Heshiiska Doorashooyinka Dalka waxaa ka qeyb galay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud iyo Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiqaasim Salaad Xasan oo si maqal iyo muuqaal ah aaladda Internet-ka ugaga qayb galay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com