Madaxweyne Farmaajo maanta khudbad u jeedin doona Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya

 

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta hortaga Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanada ayaa xalay loo diray Fariimo ku saabsan in uu jiro kulanka Xildhibaanada labada Gole Ismarkaana ay ka soo qayb galaaan kulankaasi

Kulanka ayaa ah mid deg deg ah oo uu Madaxweyne Farmaajo codsaday si uu khudbad ugu jeediyo

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa wararka sheegayaan in uu marka uu xildhibaanada hortago uu muddo kororsi weydiisan doono madaama dawladiisa aysan heysan muddo ku filan oo doorashooyin ay ku hergeliso.

Kulanka maanta Xildhibaanada ay ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho sidoo kalena Madaxweyne Farmaajo uu ka qaybgalayo aya ku soo aadaya ka dib markii lagu kala booday shirkii Dhuusamareeb Natiijo la,aana uu ku soo gaba gaboobay .

 

  Xafiiska Wararka Muqdisho

  Info@aragticusub.com