Madaxweyne Famaajo oo kulan gaar ah la yeeshay madaxda 3 maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxda 3da maamul goboleed iyo gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay madaxweynayaasha maamulada Galmudug Koofur Galbeed iyo Hirshabeele waxaana shirka markii dambe ku soo biiray Taliyaha hay’adda Nabad sugida qaranka Fahad yaasiin

Sidoo kale kulankaasi waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish.

Shirka Madaxweyne Farmaajo uu la yeeshay Madaxda 3da Maamul goboleed iyo gobolka Banaadir islamarkaana goob jog uu ka ahaa RW Rooble ayaa lagaga hadlay Ajandaha shirka maanta ka Furmaya Muqddisho  iyo Qodobadaii ay la shir tagai lahaayeen inkastoo Beesha Caalamka ay la wareegtay Habsami u socodka shirkaasi waxaana Amniga sidoo kale goobta shirka uu ka dhacayo la wareegay Ciidanka Amisom

Ilaa hadda lama Oga waxyaabaha kale ee Farmaajo iyo 3da maamul goboleed ay uga shireen shirka .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com