Madaxweyne Deni oo u safray dalalka Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kusii jeedda Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka, waxaana wafdiga Madaxweynaha ay sii mari doonaan dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in uu kulamo looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka uu la qaato wakiilada beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Nairobi.

Waxaa sidoo kale jira in uu kala hadli doona Arrimaha doorashooyinka Somaliland oo muran ka jiray bilihii lasoo dhaafay.
Kulamada Nairobi ayaa lafilayaa in lagu gorfeeyo isbedelada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo shirarka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee dhowaan lafilayo inay ka dhacaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Xafiiska wararka Muqdisho
aragticusub@gmail.com
nfo@aragticsub.com