Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
Wareegto uu xalay soo saaray Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha degmada Boosaaso shaqada looga joojiyay eedaymo la xiriira ku dhaqan la’aan nidaamka maamulka dhaqaalaha ee Degmadda Boosaaso iyo cabashooyin ka yimid shacabka oo ay soo jeediysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
Wareegtada madaxweynaha Puntland ayaa lagu faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta Degmadda Boosaaso.
Madaxweynaha Puntland ayaa Faray Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso in uu shaqada sii wado.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com