Madaxweyne Deni oo Sabtida hortagaya Golaha Wakiilada Puntland + Ujeedo Akhriso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu Sabtida soo socota hortago Baarlamanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo safarkiisi Muqdisho.

Farriin oo xalay loo diray xildhibaannada Baarlamanka, ayaa lagu wargeliyay in madaxweyne Deni uu Sabtida hor imaan doono Golaha, waxaana wararku sheegayaan in uu warbixin ka siin doono safarkii Muqdisho.

Madaxweynaha  puntland  ayaa la filayaa in uu Golaha u jeediyo khudbad ku saabsan fashilka ku yimid dadaalladii la xiriiray xallinta muranka doorashooyinka iyo sidoo kale shirkii natiijo laa’aanta ku soo idlaaday  ee Muqdisho.

Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu khudbaddiisa kaga hadlayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho, taas oo ka dhalatay mudda kororsiga dowladda Federaalka iyadoobeesha caalamkana si wada jir ah ay uga hor timid muddo kororsiga looguna hanjabay madaxda dawlada ee muddo xileedkoodu dhammaaday  cunu qabateyn iyo xayiyaarad la saarayo socdaalkooda dibada

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com