Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaal Ciidan

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa laba Taliye Qaybeed u magacaabay Gobollada Karkaar iyo Sanaag.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu magacaabay Taliyaasha Qaybta Booliiska Gobollada Karkaar iyo Sanaag kadib markii xilka laga qaaday Taliyaashii hore.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar ayaa loo magacaabay Gaashaanle sare Faarax Nuur Maxamed halka Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sanaag loo magacaabay G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com

.