Madaxweyne Deni oo Maamul kumeel gaar ah u Magaacabay degmada Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  maamulka kumeel gaar ah u magaacabay degmada Booaaso.

Wareegto ka soo baxday  Xafiiska Madaxwene Deni ayaa Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero Dile) si ku meelgaar ah loogu magacaabay guddoomiyaha degmada Boosaaso.

Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero Dile) ayaa hadda ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta Puntland.

Dhanka kale Axmed Nuur Huruuse ayaa si ku meelgaar ah loogu magacaabay guddoomiye ku-xigeenka degmada Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii hore ee golaha deegaanka degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa xalay isaguna sheegay in uu iska casilay xilalkii uu ka hayay degmada Boosaaso.

Hase ahaatee Madaxweynaha Puntland ayaa kala diray Golohii degaanka degmada Boosaaso maamul kmg ahna u sameeyay

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com