Madaxweyne Deni oo ku wajahan Magaalada Garowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa  dhowaan ku laabanayo magaalada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa ku sugan magaaladatan Muqdisho  halkaas oo uu ka wado ololihiisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaase intii uu Muqdisho joogay soo baxay khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash oo ku dhawaaqay in uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilka Madaxweynaha Puntland.

Lama oga Tallaabada uu qaadi doono Madaxweyne Siciid Deni kadib markii uu ku laabto magaalada Garoowe.