Madaxweyne Deni oo ku soo wajahan Muqdisho

 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalmaha soo socda ku soo wajahan magaaladatan  Muqdisho, oo uu Uga qayb-galayo shirka arrimaha doorashada dalka.

Madaxweynaha Puntland Sacaciid Cabdilahi Deni iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo gaaran Muqdisho  si ay qayb uga qaataan xalka la doonayo in laga gaaro murunka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya

Dhawaan Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Isagana Muqdisho u yimid ka qayb galka shirkaasi.

Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo ku sugan Turkiga ayaa iyagana lafilayaa in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si shirka uu u Furmo.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xooggan ku bixineysa qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya si mesha looga saaro khilaafka siyaasadeed ee doorashada ka taagan

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com