Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xaruunta Galmudug.
Madaxweyne Deni oo todobaad ka hor Dhuusamareeb kaga qayb-galay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxa uu markii Shirkaas soo xirmay dib ugu laabtay Garoowe, si uu uga qayb-galo Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Abshir Faarax.
Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa ka furmayoshirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, waxaa Halkaasi ku sugan Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Raisal Wasaare Xasan Cali kheyre sidoo kale waxaa ku sugan Madaxda dawlad goboleedyada Dalka iyada oo la filayo in Beri Halkaas uu gaaro Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar maxamuud Maxamed Cumar Finish si uu kaga qayb galo shirkaasi
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com