Madaxweyne Deni oo Gudoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Sanaag

Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Deni, ayaa xalay xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali.

Wareegto  ka soobaxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilahi Deni ayaa Siciid Axmed Jaamac Maxamed loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale Madaxweynaha  ayaa guddoomiyiihii hore ee gobolkaas Cali Xuseen Soomaali u magacaabay la taliyaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa isbedelka uu ku samaeeyay Maamulka Gobolka Sanaag waxaa ay ku soo aadeysa Xilli Soomaaliland ay dhaqdhaqaaqyo ciidan muddooyinkii dambe ay ka waday gobolkasi.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com