Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa beeniyay in uu x xiriir siyaasadeed la leeyahay Imaaraadka carabta .
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aanay jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya isaga iyo dowladda Imaaraaraadka Carabta .
“ Madaxweyne Deni waxaa u sheegayin Siciid cabdullaahi Deni xiriir gaar ah oo uu dal adduunka ah la leeyahay uusan jirin mar taas ma jirto” ayuu ku jawaabay madaxweynaha Puntland
Sidoo kale,Deni sheegay in dowlad goboleedyada Soomaaliya aysan xiriir siyaasadeed ah la yeelan karin dal kale “ dowladaha xubnaha ka ah Federaalka cilaaqaad siyaasadeed dalal lama yeelan karaan”
Warkaan ka soo baxay Madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya xilli Puntland lagu Eedeeyay in Xiriir Siyaasadeed ay la leedahay Dawlada Omaaraadka Carabta
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com