Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka Tacsiyadeeyay geerida Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxoow

Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe  ayaa ka  hadlay qarax miino oo shalay gelinkii dambe lagu dilay Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxow oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi  u diray ehellada, qaraabada, iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee uu marxuumkakaasi ka  baxay, isaga sidoo kale u rajeeyey inuu Eebbe ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa amray laamaha ammaanka in ay ka  jawaabaan  dilka sarkaalkaas oo ka howl-galayey Shabeelaha Dhexe.

Yaasiin Cabdi Tooxow iyo ciidamo la socday  ayaa qarax miino lagula eegtay deegaanka Gololey ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka shabeelaha Dhexe

Dhinaca Kale Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Qaraxa Miino ee lagu dilay Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxoow’ Waxaana ay sheegeen in uu ka mid ahaa saraakiisha Ugu caansan Ciidanka Dawlada Federaalka ee gobola Shabeelaha Dhexe.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com