Madaxweyne Cali Gudlaawe oo kala diray Golaha Garsoorka Hirshabeelle

Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay qodobka 51aad ee dastuurka Dowladda Hirshabeelle.

Markuu arkay: Warqada sumadeedu tahay DGHSH/MOJHS24/23 kuna taariikhaysan 07/04/2023, taas oo Wasiirka Cadaaladda & Arr. Garsoorka ku soo jeediyay in la kala diro Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

WUXUU MADAXWEYNUHU SOO SAARAY XEERKAN

Qodobka 1aad

1- Laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu ku beegantahay 08/04/2023, waxaa la kala diray
Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

2- Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha, waana uu saxiixay.q

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com