Madaxweyne Axmed Madoobe oo xalay isaga baxay shirka Dhuusamareeb

Wararka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in shirka watashiga ee Dawlada Federaalka Soomaaliya , Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir uu meel xasaasi ah marayo.

Shirka ayaa looga dooday Qodoboada kala ah Kuraasta gobolada Waqooyi iyo Arinta gobolka Gedo oo noqotay qodob ugu xasaasisan ee shirka  iyadoo la sheegay in in Arinta gobolka Gedo iyo Tan gobolada Waqooyi loo saaray Gudi ka kooban maamul goboleedyada kala ah Hirshabeele, Koofur galbeed Puntland iyo Galmudug hase ahaatee  ma jiraan wax natiijo ah oo gudigaasi ay ka gareen

Madaxweynha Maamulka Jubland Axmed Madoobe ayaa Wararka ay sheegayaan in shirka uu isaga Baxay ka dib markii Madaxweyne Farmaajo oo ay isku haayan arinta gobolka Gedo uu diiday sida la sheegay in Magalada Garbahaareey la geeyo Ciidan ka socda Booliska Amisom oo isku dhaf ah iyo sidoo kale Maamulka degmada Garbahaareey ee Axmed Madoobe uu Magacaabay oo ay wehliyaan gudiga doorashada la magacaabay in   la geeyo

Hase yeeshee xalay oo shirka saacado badan la fadhiyay ayan wax natiijomah laga gaarin iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ku adkeysanayo in arinta Gobolka Gedo aan laga hadlain

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com