Madaxweyne Axmed Madoobe oo Muddo 2 sano ah ka dib magacaabay Golaha Wasiirada Jubland

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa caawa magacaabay golihiisa wasiirada cusub oo ka kooban 23 wasiir, 22 wasiir ku xigeen iyo 5 wasiiru-dowle.

Wasiirada cusub ee Maamulka Jubaland waxaa ku jira Cabdinaasir Seeraar oo  si weyn ay isaga soo  horjedeen Axmed madoobe markii dambe la heshiiyay madaxweynaha Jubland  Axmed Madoobe.

Sidoo kale golaha wasiirada cusub waxaa ku jira xubno ka tirsanaa xukuumaddii hore oo kamid yahay Gen. Maxmed Warsame Darwiish.

Golaha wasiirada cusub ee Jubaland waxaa haween ka ah 4 xubnood waana tiradii ugu badneyd oo wasiiro Haween ah lagu arko Golaha Wasiirada Jubland.

Magacaabida golaha wasiirada jubaland ayaa Axmed Madoobe ku qaadatay muddo ku dhaw 2 sano ah .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com