Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo shir uu uga socdo caawa Magaalada Muqdisho

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee kala  ah shariif sheikh Axmed , Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa shir deg deg oo ay kaga hadlayaan XaaladaSiyaasadeed ee Dalka uu uga soconayaa Magaalada Muqdisho

Shirka oo Albaabada  loo xiray Islamarkaana saxaafada dibad joog ay ka tahay ayaa ka soconaya hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed

Amaanka goobta uu shirka ka dhacayo ayaa waxaa ku sugan Gaadiid Dagaal oo gaaraya ku dhawaad 40 Tikniko ah oo sugaya Amaanka Madaxda shirka uu u socdo.

Shirkaan deg deg ah ayaa ku soo aadaya xilli Muddo xileedka Madaxweyne Farm,aajo maalinta berri  ah uu ku eg yahay iyadoo madaxda shirka uu u socdo aan la ogeyn go,aanka ay ka qaadan doonaan jiritaanka Muddo Xileedka Madaxweyne Farmaajo  oo caawa ku eg

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com