Madaxweynaha Tanzaaniya oo ka digay Daawada Talaalka ee looga hortago Cudurka Covid19

Madaxweynaha dalka Tanzania, John Magufuli, ayaa shaqaalaha caafimaadka uga digay isticmaalka tallaalka Covid-19.

Isagoo aan wax caddeyn ah soo bandhigin ayuu sheegay in tallaalku uu dhibaato u keeni karo shacabka.

“Wasaaradda Caafimaadku waa in ay feejignaato, waa inaysan ku degdegin tallaalkan iyagoo aan cilmibaaris ku sameynin, tallaal kasta annaga muhiim nooma aha, waa inaan ka taxadarno,” ayuu yidhi Mr Magufuli.

“Tallaalku waa khatar. Haddii uu ninka cad la imaan karo tallaal, wuxuu mar hore u heli lahaa Aids-ka, kansar-ka iyo qaaxada.”

Waxaa la sheegay in tallaalka lasoo saaray uu yahay mid tijaabooyin maray kumannaan ruuxda lagu tijaabiyay ka hor inta aan la sharciyeynin. Hayadaha sharciyeynta ayey sheegtay in ay u mareen tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo in tallaalku uusan bulshada waxyeelleynin.

Madaxweyne Magufuli ayaa dadka reer Tanzania ku boorriyay inay sii wadaa taxaddarka, isagoo sheegay in ducooyinka iyo dawooyin dhaqameedka ay yihiin sida kaliya ee loola tacaali karo fayraska corona.

“Dalal badan xayiraad ayey ku jiraan, laakiin Tanzania ma qorsheyneyso xayiraad, waligeen masoo saari doonno amar waddanka lagu xirayo, sababtoo ah ilaaheenna wuu nool yahay wuuna sii wadi doonaa inuu na ilaaliyo.” Ayuu yidhi.

Madaxweynahan, oo ah masiixi, ayaa sanadkii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in dalkiisa uu ka dhammaaday Covid-19. Hase yeeshee kama uusan hadlin walaaca ay kaniisadda masiixiyiinta kasoo saartay dhimashada cudurka ee kusoo badaneysa magaalooyinka dalkaas.

“Kaddib markii si buuxda loo xakameeyay faraska sanadkii lasoo dhaafay, Tanzania waxay hadda wajaheysaa mowjad labaad oo fiditaanka fayraska ah,” ayaa lagu yidhi bayaan Talaadadii kasoo baxay kaniisadda.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com