Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali kheyre oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in ay aadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ogolaaday  martiqaadkii Madaxda dowlad goboleedyada oo ahaa in Shir la isugu yimaado Dhuusamareeb, si looga arrinsado arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo qeyb ka ahaa qodobadii ay ka soo saareen madaxda dowlad goboleedyada shirkii  Dhuusamareeb.

Xog ay heshay warbaahinta Aragticusub ayaa waxa ay sheegaysa  in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu Aadayo  magaalada Dhuusamareeb saacadaha soo socda iyadoo  Madaxweyne Farmaajo uu gaari doono Halkaasi maalmaha soo socda

Madaxda Dawlad goboleedyada ayaa weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb iyadoo la filayo in ay la kulmaan madaxweyne Farmaajo iyo Raiisal Wasaare Xasan Cali Kheyre