Madaxweynaha Somaliland iyo Hogaamioyaha Xisbiga UCID oo a hadlay dagaalkii dhawaan ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay ka hadlay dhacdooyinkii u dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo looga soo horjeeday muddo kororsigaloo sameeyay hay’adaha dawlada .

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay Somaliland ka damqaneyso dhibaatada iyo qaxa ay dawladda Xamar ka dhisani u geysatay shacabka Muqdisho, islamarkaana ay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka, balse ay si weyn isku hayaan siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaasha diiddan madax-banaanida Somaliland.

“Dawladda Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hogaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga UCID injineer Faysal Cali Waraabe, ayaa shacabka iyo ciidanka Muqdisho  ugu  hambalyeeyay kacdoonka ay kaga soo horjeesteen muddo korodhsiga Farmaajo.

Feysal Cali Waraabe ayaaTilmaamay  in uu soo dhaweynayo in lasoo afjaro muddo kordhintii madaxweyne .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com