Madaxweynaha Puntland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Siciid Cabdulaahi Deni ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho .

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,  Xildhibaanno ka tirsan labada Gole iyo mas’uuliyiin kale .Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka ee ka qeybgalaya Shirka Golaha Wadatashiga Arrimaha doorashooyinka oo lagu wado in barri oo Sabti ah uu ka furmo Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho 

Info@aragticusub.com