Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta oo Talaado ah ku wajahan Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.
Socdaalka Madaxweynaha, oo ah kii u horreeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku tago Degmada Galdogob, waxaa ku weheliya xubno ka tirsan madaxda Puntland iyo Maamulka Gobolka Mudug.
Madaxweyne Deni iyo Wefdigiisa, ayaa u kuur-gelaya Xaaladda Galdogob, kulamona la qaadan doona Mas’uuliyiinta Degmada, Hoggaanka Dhaqanka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaasi.
Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa halkaasi ka dhagax-dhigi doona mashaariic horumarineed, oo horay Dowladdu u ballan-qaaday in laga fulin doono Degmada Galdogob.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com