Shirweynaha kowaad, Urur Siyaasadeedka Puntland , ayaa lagu doortay Guddoomiyaha Ururkaas iyo labadiisa ku xigeen.
Ergooyin ka tirsan Urur Siyaasadeedka KAAH, oo ka kala yimid dhammaan degaanada Puntland, ayaa Guddoomiyaha Rasmiga ah ugu doortay Maddaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa isna loo doortay Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com