Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladda Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Siciid Fiqi, , saraakiil ciidan iyo
qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo
Deni iyo Laftagareen ayaa soo dhaweeynta kadib sheegay in Puntland iyo Koonfur Galbeed ka dhaxeeyo xariir siyaaadeed oo soo jireen ah, haddana la rabo in kor loo qaado.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com