Madaxweynaha Puntland oo Iclaamiyay dagaal ka dhan ah Alshabaab

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni oo maanta warfidiyeenka kula hadlay Magalada Boosaaso, ayaa Iclaamiyay dagaal culus oo lagu qaadayo Al-shabaab, kaas oo oo ka dhan ah weerarkii  Alshabaab  xabsiga weyn  Boosaaso.

Deni , ayaa sheegay in hawlgalkii ugu  dambeeyay oo sifayn ah maalmaha soo socda lagu qaadi doono Al-shabaab ee ku sugan Buuraleyda Gobolka Bari, islamarkaana si rasmiya loo soo af-jari doono dhammaantood.

Madaxweyne Deni, ayaa Tilmaamay in baaritaan buuxa lagu sameeyn doono dhacdadii habeen  hore lagu weeraray xabsiga weyn ee Boosaaso, taas oo cid kasta oo lagu helo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Hadalka Deni ayaa ku soo aaday xilli weerar Alshabaab habeen hore ay ku qaadeen Xabsiga Wey nee Boosaaso oo ay sheegeen in ay  ka sii dayeen ilaa 400 oo maxaabiis ah

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com