Madaxweynaha Maamulka Jubland oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Jubland iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa, guddoomiyaha baarlamaanka galmudug, labada gole ee galmudug iyo dadweyne farabadan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qeyb galaya shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka furmaya magaalada Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Qaranka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com