Madaxweynaha Koofur galbeed oo saxiixay go,aano Alshabaab looga saarayo Gobolka Bakool

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saxiixay go,aano lagudDar-dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka ay go,doomiyeen Al-Shabaab ee Gobolka Bakool waxaa uuna kulan  la qaatay Sarakiisha Amniga ee ku sugan gobolkaasi..

Madadaxweyne Lafta Gareen ayaa laamaha Hay,adaha Amniga  kala hadlay sidii shacabka ku dhaqan degaanada Gobolka Bakool looga xureyn lahaa Al-shabaab ay  dhibaatada  ay ku haayaan shacab badan iyo kala go’doominta degmooyinka Gobolka Bakool.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in laamaha Amniga oo garabsanayo shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool  ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah kooxda aragagixasada ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa wado dadaalo uu ku doonayo in uu Al-shabaab looga  xureeyo deegaanada hoosyimaado Gobolka Bakool oo ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com