Madaxweynaha Jubland oo ku Amray Hay,adaha Amniga Jubland in ay baaraan Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan deg deg ah la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga Maamulkaas kadib Qaraxii shalay ka dhacay kismaayo.

Madaxweynaha Jubland Axmed Madoobe ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga  faray in ay keenan baaritaanka Qaraxii  u danbeeyay ee Shalay ka dhacay Kismaayo.

Sidoo kale wuxuu amar ku bixiyay in  Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska Jubaland ay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-sahbaab ay sii socon doonan islamarkaana la adkayn doono Amniga guud ee degaanada  Jubaland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com