Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socda dalka Turkig

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Safiir Kuxigeenka Turkiga ee Somaliya, Ismail Emre Kosif.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Amniga & Arrimaha Gudaha Turkiga, Hay’adda Bisha Cas iyo howlwadeenada Safaarada Turkiga ee dalka.

“Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira deegaanada Jubbaland iyo doorka ay ka qaadanayso Dowladda Turkiga, gargaarka la gaarsiinayo dadka tabaalaysan, iyadoo si hordhac ah ay Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga raashin qaybin uga bilowday meelaha qaar.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Warka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay jawaabta illaa hada ay ka bixiyeen baaqii Dowlad Jubbaland ay u dirtay bulshada caalamka ee la xiriiray gurmadka abaaraha ka jira Jubbaland.”

Deegaanada Jubbaland ayaa ka mid meelaha ugu daran, ee sida weyn u saameysay abaarta xilligan ka jirta dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com