Madaxweynaha JFS oo maalinta Berri ah ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee KGS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa maalinta Berri ah in uu safarkiisa ugu horreeya tan iyo doorashadiisa uu ku tago Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo kuwaas oo hor u dhac u ah wafdiga Madaxweynaha oo maalinta Berri ah la filayo in uu gaaro KGS.

Safarka Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago Baydhabo ayaa xoga badan laga heynin, balse waxa uu ku soo aadaya xilli ay koonfur Galbeed ay ka jirto Siyaasado isdiidan kuwaas oo ku qotoma Muddo xileedka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa sanadkii 2017-kii qaabishay Safarkii ugu horreeyay ee gudaha uu ku tago Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shan sano ka dib Madaxweynaha 10aad ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisa ugu horreeya tan iyo dib u doorashadiisa 15 May 2022, waxa uu ku tagaya Magaalada Baydho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com