Madaxweynaha Jabuuti oo sheegay in markii Shanaad uuTartamayo

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan ku dhawaaqay inuu mar kale isku sharraxayo xilka madaxtinnimada doorashada bisha soo socoto dalkaasi ka dhici doonto ayaa sheegay inuu goa’aansaday inuu ka qeybgala tartankii markii shanaad ka dib “codsi uga yimid shacabka”.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in dadkiisa ay ku “khasbayaan” inuu u tartama doorashada madaxtinnimada dhaceysa 23 April. Waxa uu awoodda dalkaasi hayay tan iyo sanaddii 1999-kii.

“Runta haddii aan sheego dadka ayaa igu khasbaya. Ayaantii dhaweyd anigoon wali hadlinba, ayay dadweynuhu gaar ahaan dhallinyaradu ay igu dhaheen joog ha dhaqaaqin. Markaas ayaan u soo dhigtay inaan markii ugu dambeysay sameeya(tartanka) oo aan sii joogo,” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu “gaboobay”, shaqada uu hayayna ay ku wanaagsan tahay dhallinyaradu inay qabtaan. Marar hore ayuu madaxweynuhu sheegay inuusan u tartami doonin xilka doorashada.

Ciidamada Amniga Dalka Jabuuti ayaa lagu eedeeyay inay is hortaageen dibadbaxyo isbuucyadii la so dhaafay lagu diidanaa in Geelle uu markii shanaad u tartama xilka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com