Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, isagoo markii ugu horreysay ka jawaabay dhaleeceyn uga timid dhinaca Dawlada Federaalka Soomaaliya.
SanadkiiTagay ee 2020 , waxaa mar kale cirka isku shareeray xiisadda sii xumeyneysay xiriirka labada dal, kaddib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka dariska la ah ee Kenya ku eedeysay in ay farogalin ku heyso arrimaheeda gaarka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kneyatta ayaa bishii December isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti, inkastoo ay wehlinayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Jabuuti ayaa xilligaas loo xil saaray in ay dadaal u sameyso sidii loo dajin lahaa xiisadda heerka sare joogtay ee labada dal, islamarkiina waxay Jabuuti sameysay guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baara tabashooyinka ay Soomaaliya qabtay.
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii ugu horreysay tan iyo xilligaas ka hadlay xasaradda labada wadan.
Geelle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi
“Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqeeyaan, in ay xiriir fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan,” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele
Waxa uu intaas ku daray in labada waddan ay daris yihiin, islamarkaana aysan sina u kala maarmin.
“Labada dal dadkoodu waligoodba way wada noolaayeen, wayna wada noolaan doonaan. Waxaan nahay dad wax wada qabsada, wada dhashay, khilaafna wuu yimaadaa wuuna baxaa, laakiin dadku ma guurayaan, dalkuna ma guurayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa sharraxay sababtii uu dowladda Soomaaliya ugu jawaabi waayay markii ay ka caroortay sida ay Jabuuti u wajahday khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.
“Tan ugu horreysa, Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala kaxeyn karta ma jirto, tan labaadna howshan waxay ku timid dalab uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo bandhigay shir madaxeedkii IGAD, oo nala yiri ‘idinkaa ugu dhowe bal soo eega’, waan iska diidi karnay oo waan odhan karnay cid kale u dirsada, laakiin kalgacal baan u oggolaanay,” ayuu Hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Geele.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waxa aan soo aragnay iyo waxa aan qornayna ragga Soomaaliyeed ma aysan aqrininba runta haddii la fiiriyo, mana garanayaan wixii ku dhex jiray meeshaas. Shir madaxeed baa lala sugayaa oo
Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu xilligaas uga jawaabi waayay caradii dowladda Soomaaliya ay ka muujisay tallaabadii Jabuuti.
“Waan iska diiday inaan jawaab iyo waxba ka bixinin arrintaas, maxaa yeelay dabka haddii lasii huriyo dhibaato unbuu keenayaa. Wax weyn ma aha arrinkaasina wuu iska dhammaanayaa haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com